Meelkastaa la iiga baahanyahayi ma fikrad khaldanbaa
Waxaan aaminsanahay oo aan jeclahay, in aan ka warhayo qofkasto oo muslim ah oo dhibaataysan, isla markaana waxaan jeclahay in aan caawiyo inta karaankeyga ah. Iska daayee waxaan jeclahay qofka banii’aadmiga ah ee dulman in aan caawiyo.
Waxaan aaminsanahay in aan awoodo in aan waxyaabo badan iyo qadiyado badan wax ka qaban karo, mana arko sabab iga xarimaysa ama iga hor istaagi karta taas in ey jirto.
Ma jecli in aan ku magacaabmo “tii qadiyada walba heblaayo u hadli jirtay” ee waxaan jeclahay in ay bataan meelaha aan wax ka qabto.
Sababta aan taas uga dhawaajiyay waxay tahay, iyada oo ay dadkeena Soomaaliyeed iska dhaadhiciyeen in ey halmeel bas wax ka qaban karaan. Sidoo kalana ma fahmaan qofka aan fikradaas aaminsaneyn.
Waxaan aaminsanahay in aan mujtamaca Soomaaliyeed ee dulman amaba dulmaneyn ha ahaato kuwo ku nool Soomaaliya, Ogadeniya, Somaliland, Jabuuti,Kenya iwm aan caawin karo. Waana waajib isaaran in aan bal iska daayee isku dayo in aan wax la qabto Muslim kasta oo dunida ku nool.
Soomaalida qaar ayaa iga xanaaqa hadey arkaan anoo la xamaasadeysan waxa lagu sameynayo shicibka reer Soomaaliya, ee ay kow ku sameynayeen dad iyaga la dhashay “dagaalkii sokeeye” kadibna maanta waxa uu ku hayo “guumeystaha xabashida”. Qaarkalana iyaguna waxay ka xanaaqaan amaba fahmi waayaan, marka ay arkaan aniga oo u xamaasadeysan dhibaatada lagu hayo shicibka reer Ogaadeeniya ee ay ku hayaan “Guumestaha xabashidu”. Sidoo kale markaan la xamaasaddoodo shicibka reer Filistiin, Jeejniya, Kishmiir, Darfur iwm.
Su’aasheydu waxay tahay, dadyahow! hadeynu inagii muslimiinta ahayn, ee Soomaalida ahayn isku gargaari waayno, maxaynu ka sugnaa gaal? Hadaad ka dhiidhiyi waydo dhibaatada walaalkaa lagu hayo, oo balse daayee la yaabeysid qofkii isku daya in uu wax ka qabto arintaad ka gaabsatay, deedna waxaynu sugnaa waa wax kale.
Caawintaan sheegayo waxay noqon kartaa wax kasta, iyada oo kow ugu horeyso in aan ictiraafo dhibaatada haysata, kadibna ka warhaya xaalkey ku suganyihiin, kadibna ku caawiya qowl, xoog, maal iyo inta karaankeyga ah.
Haday ogaan lahaayeen dadkeygu wuxuu Islaamku ka yidhi in uu qofka muslimka ah caawiyo walaalkiisa kale ee madluumsan. Hadey dadkeygu ogaan lahaayeen xoriyada wanaagsan ee uu gaadhayo markey dadka Illaahay isugu mid u noqdaan.
Hadey dadkeygu ogaan lahaayeen……….Maxaaan guul gaadhi lahayn.
Illaahay ka qalbigiisa buko, cudurka ha ka saaro. Ka madluumsana Illaahay dhibaatada ha ka saaro. Ka madluumiinta caawiya awoodiisa ha sii kordhiyo.






Recent Comments