:: Shan wax oo fiican in ay Soomaalidu ka hadho

WQ :Nimco C/Raxmaan July, 6, 2007

Waa xaqiiqo lagu qoslo, haddana aan jeclahay in ay dadkeygu ka hadhaan. Waxaan rajeynayaa in aadan ka xanaaqin ama umalaynin in ey tahay shaqsiyan.

1) Markaad arooska joogtid ee la amaano qabiilkaaga waad “xamaasootaa”, laakiin markii diintaada wax laga sheego waad aamustaa! Waxaad u haysataa in uu qabiilkaagu ugu fiicanyahay, qofkii beeniyaa arintaasna isagaa og meeshuu kaa gali!

2) Waxaad jeceshahay BBC-da, siiba markuu Cabdullahi Xaji iska horkeeno laba warlords (dagaalyahan), midkood waa qabiilkaaga midna waa qabiilka kale, waxaadna u haysataa ka qabiilkaaga ahi in uu badiyay, oo guul wayn soo dhaliyay.

3) Waxaad siyaasi u taqaanaa qofka muranka badan ee maantoo idil makhaayada dhax fadhiya!

4) Waxaad caqli low utaqaanaa qofka dowladaha gaalada ee qaxootiga ku siiyay maalkooda si sharci dara ah kaga qaata!

5) Qofka soomaaliga ah ee raba wax wanaagsan in uu mujtamaciisa u qabto waxaad isku daydaa in aad hoos u celisid, waxaadna sheegsheegtaa ceebihiisa!

  

 

 

 

 

 

   :: Uruuriya shacabkii Soomaaliyeed

 WQ :Nimco C/Raxmaan November 13, 2006

Soomaalidu ma dhagaxbaa

 Jidhkoodu ma danqado miyaa

 

Naftooda ma jecla miyaa

Maskaxdoodu ma fakarto miyaa

Ummaddu dhib u naf adagaa!! 

Waxaan aad oola yaabaa Ummada Soomaalida. Waxaynu meel kasta ugali lacag iyo dhoof, nafteenana kama fakarno.
Waxyaabihii iigu naxdinta badnaa waxaa kamid ahaa. Hooyo uur leh oo doon ka raacday Soomaaliya xagga iyo Liibiya. Hooyadaas iyo ilmaheedii uurka ku jiray waa ay isla dhinteen, kadib markey doontii tuugada ahayd bada dhaxdeeda ku daadisay. Hooyadaas kaligeed ma qabsanin dhibaatadaas ee waxaa jira kumanyaal kun oo Soomaali ah oo la wadaaga qisadaas.

Koonfurafrika markey Soomaalidu tagaan kuma nagaadaan. Hadda waxaa dhacda in budhcadii Koonfurafrika utashadeen soomaalidii ganacsatada ahayd. Markeey Soomaalidii budhcadii booliskii ugu yeedheena, dib daalac loogu raacay Soomaalidii, oo jeelka lagu taxaabay.

Yemen babdho Soomaali ah oo la addoonsado ayey culumo Muslimiin ah ka soo xoreeyeen kuwii addonsanayay.

Sacuudi iyo wadama badan oo kale oo carab ah Soomaalidu kuma laha ixtiraam. Qofkii oo suuqa maraya, ayaa la darxiilaa. Caruurtoodu iskuulaadka caadiga ah madhigtaan, maadaama aysan ahayn ’muwadaniin’, dadkii wadanka udhashay.

Yurub iyo Maraykanka waa meelaha aan is dhihi karo, Soomaalidu way oogu ladanyihiin xagga maadiga, laakiin ruuxdii bay ka dhinteen. Diintoodii way ka daciifeen. Caruurtoodii way ka sii fogaadaan dhaqankii Soomaaliga, oo waa xayraamiin. Soomaalida qurbaha joogtaa waxay dhab ugu hiloobayaan dhulkoodii.

Wadamadaas qurbaha ah ay joogaan Soomaalidu, waxaa ka soo baxay xisbiyo parlamanka ku jira, oo ka soo horjeeda Soomaalida iyo qofkii kasta ee Muslim ah (sida ’National party’(England) , Dhanish Folk Party DF (Denmark) iwm).  Xisbiga Dhanishka ah waxa ay dhaheen: ” Soomaalida inta baalashuug la saaro, halaga soo daadiyo cirka, marka Soomaaliya la kor marahayo!

Markaas Soomaaliyeey goormaad toosi oo aad dhulkaagii hagaajisan. Waxaan soo xasuustay heestii abwaankii Soomaaliyeed:                                    

Haybad waxaad ku leedahay

Dhulkaaga hooyo

Waana lama huraanee

Hagar la’i wax ugu qabo

Allow Soomaalida midee adaa wayne.

Khadijahome.com

:: Darajada iyo guurka

WQ:Nimco C/Raxmaan November 9, 2006

                  Waxaa dhacda baryahaan dambe in ay dumarku aad wax ubartaan,
                  kuwaas oo ka kobca xagga wax barashada iyo dhaqaalahaba.
                  Maalin dhawayd ayuu baadhitaan nin Deenish ahi soo saaray,
                  isaga oo leh:” Gabadhba gabadhey ka caqli badantahay iyo ka
                  waxbarasha sareyso ayeey uga daahniin badantahay
                  single-nimada(aan guursan). Sababta ugu wacana waa qofka
                  dumarka ah oo rabta nin ka waxbarasho iyo mushahar sareeya.
                  Nimanka wax kama qabaan in ay dumarku ka waxbarasho iyo
                  mushahar hoosayso, ee bil cakis way jecel yihiin.

                  Baadhitaan Ingiriis ah ayaa isna sheegay in ”Dumarka wax barashada sare
                  tobbankiiba saddex (3/10) ahaadaan single, meesha ay nimanku
                  tobbankiiba hal (1/10) ka ahaadaan single.”Sababta arintan ku
                  kaliftay marka labaadhay waxaa ugu wacan ayaa la yidhi, iyada
                  oo ay qofta dumarka’ah ee waxbarashada sare lehi, rabto nin
                  masruufa. Diinteena Islaamka ah hadaan dhawro, ninka Muslimka
                  ahi waa in uu gabadha masruufaa, siduu Alle Qur’aankiisa ku
                  yidhiba.

                  Qof dumar ah oo baadha cudurka loo yaqaano ’cancer’ ayaa
                  tidhi:  ” Waligey ma helayo nin igu haboon, sababta oo ah,
                  martabadayda (waxbarashada sare) ayaa iga caydhineysa nimanka”
                  Haddaan fiiriyo guud ahaan qofta dumarka ah khatartay ka
                  baqayso in ay guursato nin aan waxbarasho sare lahayn waxaa ka
                  mid ah:
                  1) Iyada oo ka baqaysa in uu wakhtiga ay rabto siin waayo ama
                  ka mashquuliyo waxbarashadeeda.

                  2) Isma fahmayaan labada qof maadaama aysan isku martabad
                  joogin, oo waxaa dhacda in ay nolosha isla keeni waayaan.
                  Ninkuna sidoo kale ma rabo gabadh ka waxbarasha sareeysa,
                  maadama ay ka mushahar sareynayso.Dhibaatooyinkey leedahay in
                  uu ninku guursado gabadh aan waxbarasha lahayn waxaa ka mid ah

                  3) Iyada oo aan qadarinin xaalkaas uu ku jiro, oo ah in ay u
                  dulqaadato, maadaama uu siinayo wakhti badan daraasadiisa.

                  4) Iyaga oo aan isfahmeyn fikrad ahaan.
                  Waxaad moodaa dhibaatadaan in ay haysato gurya badan oo
                  soomaaliyeed, kuwaas oo aad arkeysid labada qof in aysan isku
                  dheeli tirneyn. Hadaysan labbada qof isku dheeli tirneyna
                  waxaa meeshaa ka soo baxaysa, isfahan la’aan badan, qaxar iyo
                  dhib, Illaahay hanaga badbaadiyee

Khadijahome.com

 

:: Muslinimadaan ku Farxaa! 

WQ:Nimco C/Raxmaan, October 24, 2006

Waxa an Alle aad iyo aad ugu mahadiyaa in uu iga dhigay Muslimad. Waxaan arkay Ku Klux Klan (KKK) oo cunsirinimada ku jirtaa aysan jirin qof kalooy ku jirto. Waxaan arkay sey unacebyihiin dadka qaar makhluuqaadka Alle, kuwaas oo nacaya midabka madowga. Waxaan gadaal udhowray Islaamka iyo siduu ula dagalamay midab takoorka, markuu Cumar rc maalin udiiday nin u shaqayn jiray oo si gaf ah u dambeysiiyay Bilaal magaciisa oo ka hormariyey Ubu Suufiyaan , oo uu Cumar yidhi, ha ka danbaysiin Bilaal Abu Suufiyaan. Waxaan gadaal u eegay, markuu yidhi rasuulku scw “caddaan kama fadli badna madoow”. Waxaan akhriyay aayadii Alle ee tidhi, waxa kali ah ee Alle agtiisa qiimaha kulehi waa dhawrsoonaantiina (taqwa).

Waxaan arkay Soomaalida, oo isku dilaya wuxuu Alle dadka ka dhigay, familkaas buu ka dhashay bas! Waxaan gadaal udhowray wakhtigii xabiibkii Alle scw , habnololeedkii  Muhaajiriinta iyo Ansaarta. Kuwaas oo aan isku kala sooceynin kanaa Ansaar’ah iyo kanaa Muhaajir’ah. Nabi Muxamed scw wuxuu u walaaleeyay, si uu udhaliyo kalgacal, una siibo cuqdad, midabtakoor, iyo wax kastoo cunsurinima ah.

Waxaan arkay sideey maanta u adagtahay inaad wadan joogtid, ama ay dadkaas ku qaabilaan, adoo diin kale iyo dhaqan kale leh. Waxaan gadaal u eegay, Nabi Muxamed scw. iyo siduu u dhaqmi jiray. Waxaan fiiriyay siduu ula dhaqmi jiray Yahuudii iwm. Muuna waligood si xun ula dhaqmin. Wuu ixtiraami jiray, wuxuuna ula dhaqmi jiray sida banii’adnimada ugu fiican. Xaquuqdooda wuu u ilaalin jiray, ta darisnimo ama tukaleba. Maalin maalmaha kamid’ah ayuu nin dariskiisa ah oo yahuud ahaa, dhibina jiray Rasuulka scw. bukooday, kadibna Rasuulkeenu scw. wuu soo booqday ninkaas, ilaa ninkii yahuudiga ahaa uu yaabay, siduu Nabi Muhamed scw u wanaagsanyahay, keentayna arintaas iyada ahi inuu soo Islaamay ninkaasi. Waxaan gadaal u eegay, Cali rc oo amir’ah, markuu ku arkay go’iisii nin Yahuud’ah oo qaba, kadibna maxkamada Islaamiga isla koreen, ee uu Cali waayay markhaati aan ka ahayn wiilkiisii, layidhina Caliyow iska tag, markhaati ma haysidee!  

Waxaan arkay duuduub cunsirinimada ka jirta aduunkaan maanta joogno, xalka kali ah ee lagaga bixi kara taasna waa Islaamka. Qofka Muslim dhab ah noqda. Waxay ku gaadhsiin arintaasi xoriyad qalbigaaga, waxay ku siin farxad, waxaad noqon qof banii’admi ah.

Illaahaygii Muslimka iga dhigaan ku mahdinayaa!

Khadijahome.com

  

 

:: Xijaabkayga Xorbaan u ahay  

WQ: Nimco Cabdi-Raxmaan , 2005

Ku socota qof kastoo ka aaminsan xijaabkayga khalad. Qofkastoo duulaan ku ah iyo qofkastoo raba inuu wax ka ogaado.Waxaa la idooransiiyay laba wax:

1. Inaan Illaahay adoon u noqdo oo aan yeelo wuxuu ifaray oo aanan ka fakarin dadka kale waxay aamin sanyihiin iyo waxay aamin sanyihiin naftayda iyo shaydaanka.

2. Inaan shaydaan adoon unoqdo iyo fashion. Inaan xidho kolba heblaayoo ah model maraday xidhato. Inaan usocdo siday usocoto. Inaan u hadlo siday u hadasho. Inaan adoon unoqdo dunnida. Runtii waan diiday!! Mana yeelayo inaan u adoonsamo shaydaan lanacladay iyo dunnida laga tagi. Waxaan doortay daartii lagu waarayay. Daartii xasiloonida, farxada iyo qaneecada.

Waxaan xanaaqaa oo aan ka gubtaa markay haweeney aan Islaam ahayn ay ku andacooto oo ay dhahdo “Xijaabku waa haweenkii oo xoriyadii laga qaaday?” Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “ Maroodigu takarta saaran ma arkee, ka kale ta saaran buu arkaa” Waxaad igu sheegtay mid aan xoriyad lahayn. Waxaad igu sheegtay inay niman i’guumeeystaan. Waxaad ku sheegtay xijaabkeygii foolxumo iyo dhaqan laga soo tagay.
Ana idhageyso waxyar ina-xaawooy!:

Aniga ima xukumo nin, mana rabo inaan adoon u noqdo runtiina adaa adoon u ah. Waxaad xidhataa maraduu kuu dooro ama uu ka helo, rooseetadu kuu dooro. Waxaad markasta ka fakartaa wuxuu kaa aaminsanyahay. Noloshaadii dhamaaydna siduu kolba dhan kuugu rogayay nin iyo sheydaan isku kaa kaashaday ayeey aamin ila’aan kugu dhacday. Anigu raaxo iyo farxad baan ku noolahay, waxaan ku noolahay nolol aanan lacag ku heli karin ilaa Illaahay Raxmadiisa mooyee. Kama fakaro nin wuxuu ka aamin sanyahay maradayda.

Marabo inaan ruux raali galiyo. Waxaan raali galinayaa oo kali ah Illaahay! Waan la yaabay saad oogu adkaysatay xoriyadaa?! Saad xoriyada u taqaano iyo saan u aqaano waa kaaf iyo kala dheeri. Erayga xoriyada waxaad u taqaanaa waxaan soo sheegoo dhan. Inaad shaydaan iyo nin adoon u ahaatid oo aad ku noolaatid nolol hami iyo qami ka buuxo.
Xoriyada saan u aqaanana waa: Inaan Illaahay u adoonsamo. Inaan adduunka farxad ku noolaado, anoo aakharana ka fakaraya. In aan xuduud lahaado oo aanan u dhaqmin sida xayawaanka oo kale.

“Xijaabkeyga cizi iyo ixtiraambaan ku leeyahay, aakhirana Jannadii Insha Allah!!.

Khadijahome.com

 

 

 

 

Leave a Reply