april 1, 2007
Dhibaatada Muslimiinta Haysata (Gabay)
Qore: Isxaaq Cali Diiriye
Qore: Isxaaq Cali Diiriye
Amuurahakan dhacay iyo ragoow, waxa adduun jooga
Ashqaraar u dhimay ruux hadduu, aad u fiirsado e
Aakhirusamaan inay tahaan, muran ka oognayne
Muslinkoo uluuf iyo uluuf, alif malaayiin ah
Edeg bay ku kala xiran yihiin, oodo dhacameede
Midkii arax ka jaba qaarka kale, waa ku oriyaane
Kay indhuhu dhacaan oon arkayn, waxa ku soo aaddan
Usha uma qabtee kooda kale, waa ag marayaaye
Haddii uusan uub qodan ku ridin, waw asxaan falaye
Midka loo itaalsheegto oo, cadaw abraaraayo
Arligiisa kii laga qaxshoo, laga eryoonayo
Inta ay awood biiriyaan, uma nusreeyaane
Haddii ay islaam dhaba yihiin, laguma aadeene
Falastiin aboodiga ku lalay, kuma abaadeene
Israa’iil ma boobeen dhulkii udugga weynaaye
Aqsa(1) iyo ariixa(2) iyo janiin(3), aradka raamaalle(4)
Yuhuud kuma askaaxeen dhashuu, dilay adoogoode
Indhahooda oo shana harkii, eydu ma cunteene
Dumar wada asay qaatayoo, odayadii waayey
Oohintooda yuuskaa dhegaha, lagama awteene
Ooslo iyo madriid lama janteen, lamana aadeene
Afarta beynu jaho gaaladii, sooma ururteene
Afgaan laguma duuleen habeen, uumiyuhu seexday
Shabax(5) muu ataageen shabaab, Aake qura haysta
Ashahaado kii qirahayoo, ehelu tawxiida
Istiqaamo kii laga heloo, faralka oogaaya
Irhaab laguma sheegeen midkaan, gaalka aayidine
Amriikaanka uma caabudeen, sida ilaahoode
Laguma andacoodeen hub iyo, aalad naga roone
Ilaahii adduunyada dhisana, lama illaaweene
Afartaa qalbiga oogsadiyo, oh iyo wayday dheh
Eedaadka nabaraan qabiyo, alaladkaygii dheh
Afar kalana waa duco alliyo, eebbe midaan tuugay
Allahayoow iblays iyo kuraa, noo itaafaqaye
Allahayoow axsaab buu mar kale, soo abaabulaye
Allahayoow inaanaan abyoon, waad na aragtaaye
Allahayoow waxay nagu galeen, waa islaanimo e
Allahayoow addoon bay rabaan, inaan ahaanaaye
Allahayoow nimaad uuntay iyo, aadmi leeyahaye
Allahayoow adaa qaadiroon, lagu ijbaarayne
Allahayoow adaan ka ashtakoon, eed nin kaagalaye
Allahayoow awoodaada weyn, adigu noo muuji
Allahayoow halkii caad mariyo, aala Luud raaci
Allahayoow kuwii nuux inkiray, eede dabadeede
Allahayoow sidoodii uqaraq, waa ilma adeere
Allahayoow annana naga najee, waxaad ku aafayso
Allahayoow islaamkana quwee, waa itaal gabaye
Allahayoow ducada iga ajiib, kuu allawsadaye
————————————————————
(1) Aqsa : Masjid al-aqsa oo ku yaal magaalada Qudus ee Falastiin.
(2)Ariixa
(3)Janiin
(4)Raamallah: Magaalooyin ka mida dhuka Falastiin .
(5)Shabax : Diyaaradaha dagaalka ee maraykanka tooda ugu casrisan
——————————————-
waxaan ka soo xigtay shabakada soomaaliga ah ee somalinet

