Markaan imaaday guriga habeenkaas isaga ah, ayey xaaskeygii iikeentay casho kadibna gacantaan ku dhagay oo aan ku idhi :” wax baan rabaa in aan kuu sheego!’’ Way fadhiisatay iyada oo qunyar cunteyneysa. Markale ayaan fiiriyay oo waxaan arkay dhibaatada indhaheeda ka muuqata.
Waxaan garanwaayay sida aan ugu sheego. Laakiin waan ku qasbanaa in aan usheego waxaan ku fakarayo. Waxaan rabaa furitaan! Waxaan usoo bandhigay mowduucii si aayar ah. Ma aysan u ekeyn mid ay erayadeydu ka cadheysiiyeen ee waxay si dabacsan iiweydiisay sababta? Waan iska dhaga tiray su’aasheedii. Kadib way xanaaqday wayna igu qeyliday oo ay igu tidhi :” ma aad tihid nin!’’
Habeenkaas isaga ah islama aanaan hadlin oo wey ooyeysay. Waan garanayay in ay rabto in ay ogaato waxa ku dhacay guurkanaga, laakiin ma aanan siin karin jawaab qancineysa. Qalbigeygii waxaa qaadatay gabadh macaan oo la dhaho Dew. Markaas jaceyl umahayo xaaskeyga dibdambe. Waan ka naxay !
Aniga oo dareemaya mid aad dambiile u ah ayaan ugu yeedhay in ay ila gasho heshiis furitaan, kaas oo aan siiyay guriganaga iyo iney ila wadaagto 30% oo kamid ah shirkadeyda iyo gaadhigeyga. Way dhowrtay warqadii kadibna way jeex-jeexday. Qoftii ila wadaagtay toban sanno oo nolosheeda kamid ah ayaa ila noqotay ‘ajaanib’. Waan ka xumaaday wakhtiga, tabaca iyo awoodaan ka khasaariyay, laakiin ma aanan ceshan karin waxaan idhi, sababtoo ah aad baan ujeclahay Dew…….
Akhri isagoo dhamaystiran
__________________________________________________
[1] Qisadan oo asalkeeda lagu magacaabo” Carry me in your arms” ayaa waxaan ka soo xigtay daabacaada Koonfur- Afrikaanka ah ee la dhaho Al- islaah publications ama homepage-kooda everymuslim.net. Qoraaga qisadan lama yaqaano!

